Madaxweynaha Ukraine oo shaaciyay tirada dadka lagu dilay caasimadda

0
751

Hoggaamiyaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in duullaanka militari ee Ruushka ee gudaha magaala madaxda wadankaasi ee Kyiv ay ku dhinteen 228 qof oo rayid ah.
Waxaa tiradan ka mid ah afar carruur ah.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in howlgallada xukuumadda Moscow sidoo kale lagu dhaawacay 912 qof oo dheeraad ah.
Dhanka kale ilaa 400,000 qof ayaa in ka badan labo toddobaad ku xayiran magaalada Mariupol .