37 arday naafo ah oo bartay farsamada dhanka tiknolojiyadda

0
371

Waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay 37 arday oo ka mid ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah kuwaasoo bartay culuun la xiriirta farsamada , dayactirka, badqabka iyo wanaajinta khadka kombiyuutarrada iyo hannaanka amni ee loo yaqaano (CCT) iyo (CCNA).
Waxaa ardayda qalin jabisay shahaadooyinka guddoonsiiyay wasiirka wasaaradda shaqaalaha ee dalka Simon Chelugui.
Mr. Chelugui ayaa sheegay in waaxda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da ay door muhiim ah ka qaadanayso suurtagelinta horumarka dhaqan-dhaqaale ee Kenya.
Wasiirka ayaa sheegay in ardaydan ay yihiin dufcadii ugu horreysay ee ka qalin jabisay machadka CISCO Bridge IT academy.
Wasiir Simon oo bogaadiyay dhallinyarada ayaa u xaqiijiyay inay jiraan fursado shaqo oo badan oo u furan si ay u adeegsadaan xirfadaha ay barteen oo ay ugu maareeyaan noloshooda.