Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatt ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta madaxweynihii hore ee wadanka Zambia Rupiah Banda oo Jimcihii geeriyooday.
Waxaa uu tacsidan mid la mid ah u diray dhigiisa Zambia ,Hakainde Hichilema, dowladda wadankaasi iyo shacabweynaha.
Rupiah Bwezani Banda ayaa ahaa hoggaamiyihii afaraad ee qabtay talada Zambia.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Banda ku tilmaamay shakhsi waayihiisi siyaasadeed ee muddada dheer u huray horumarinta iyo mideynta shacabka Zambia iyo si guud dadweynaha qaaradda Afrika.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynihii hore ee Zambia uu ahaa halyeey kaalin ka soo qaatay madax bannaanida wadankaasi .
Mr.Banda ayaa madaxweynaha Zambia noqday sanadkii 2008-dii ka dib markii uu geeriyooday Levy Mwanawasa oo xilkaasi hayay.
Muddo saddex sano ayuu ahaa madaxweynaha dalkaasi waxaa uuna maalintii Jimcaha isagoo 85 sano jir ah cudurka kansarka ugu geeriyooday magaalada Lusaka.