Shiinaha oo laga diiwaangeliyay ku dhawaad 3,400 oo ah xaaladaha corona

0
493

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay xaqiijisay xaaladaha cudurka COVID-19 oo ah ku dhawaad 3,400.
Kiisaskan ayaa lagu sheegay labo jibbaar intii maalin ka hor la diiwaangeliyay.
Tani ayaa sababtay in albaabada la isugu dhufto dugsiyo ku yaalla magaalada Shanghai halka xayiraado dhanka isku socodka ah lagu soo rogay magaalooyin dhowr ah oo dhanka waqooyiga bari.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamullada qiyaastii 19 gobol ay la daala dhacayaan la tacaalidda faracyada corona ee Omicron iyo Delta
Sida laga soo xigtay mas’uul maxalli ah waxaan si buuxda loo xirin magaalada Jilin halka Yanji oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 700,000 oo qof oo daris la ah Kuuriyada Waqooyi gebi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha.