Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishan ka aamusey inay u cusboonaysiiyaan ruqsada uu hore u siiya Midowga Yurub ee ay ciidamadooda kula dagaallamaayeen burcad-baddeedda xeebaha dalka Soomaaliya.
Howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2008-dii, ayaa Golaha Ammaanku aysan siin ahmiyad, ayada oo Midowga Yurub muddaba ay xusul duub ugu jireen sidii ay ruqsadda markale ku heli lahaayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u dalbatay in la soo afjaro howlgalka la dagaalanka Burcad Baddeeda Soomaalida , kaas oo soo jiitamayay laga soo bilaabo sanadkii 2008-kii.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxa la waayay Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida, kuwaas oo meelo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya ka afduuban jiray Maraakiibta Shisheeye, hayeeshee Kalluumeysatada Soomaalida ay ka cabanayaan maraakiib xaaluf ku haaya Xeebaha dalka Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Golaha ammaanka oo soo afjaray oggolaanshaha la dagaallanka burcad-baddeedda Soomaalida