Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ballanqaaday in haddii uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu kobcin doono dhaqaalaha gobolka waqooyi bari.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ballanqaadkan sameeyay xilli uu xarunta Bomas ee magaalada Nairobi kaga qayb galay shirweynaha ergada qaran ee xisbiga UDM.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay inuu suuq u raadin doono xoolaha lagu dhaqdo gobolka iyo caanaha ay soo saaraan iyadoo la maalgelinayo warshadaha hilibka iyo caanaha.
Waxaa uu ku celceliyay in qof leh xoolo badan aan loo baahneyn inuu sabool noqdo haddii uu garab ka helo dowladda isagoo intaasi raaciyay inuu maamulkiisa uu wax ka qaban doono saameynta abaarta
Siyaasiyiinta xisbiga UDM oo uu ka mid yahay barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay inay bisha Siddeedaad ee sanadkan taageeri doonaan musharraxnimada madaxweyne ee hoggaamiyaha ODM.