Ka dib doorasho uu shalay qabtay ururka qareennada dalka ee LSK ayaa waxaa hoggaamiyaha ururkan loo soo xushay Eric Theuri.
Qareenka ayaa helay codad gaaraya 1,811 halka ku xigeenka madaxa LSK oo jagadan u tartamaysay Carolyne Kamende ay soo hooysay codad gaaraya 1,085 .
Waxaa nambarka saddexaad soo galay Omwanza Ombati oo helay codad dhan 920 waxaana ku soo xigay Mathew Nyabena (745) iyo Bernhard Ng’etich oo ay u codeyeen 452 qof.
Eric Theuri ayaa buuxinaya xilka uu banneeyay Nelson Havi oo doonaya inuu u tartamo jagada xildhibaanannimo ee deegaan baarlamaneedka Westlands ee magaalada Nairobi.
Xubnaha golaha LSK ee shalay la doortay ayaa xafiiska la wareegi doono 25-ka bishan oo ururku uu yeelan doono kulankiisa guud ee sanadlaha ah.