DHAGEYSO:Eedeysanayaal loo haysto faraxumeynta haweeney oo xabsi ku jiraya 15 cisho

0
289

Maxkamadda dalka ayaa ciidamada booliska u oggolaatay inay muddo 15 cisho ah xabsiga ku sii hayaan 16 tuhmanayaal ah oo lala xiriirinayo tacaddi maalmo ka hor waddada Wangari Maathai ee magaalada Nairobi loogu gaystay haweeney baabuur waday.
Saraakiisha ammaanka ayaa laga doonaya inay muddadan gudaheeda ku soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Dacwadda ay wajahayaan eedeysanayaasha ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 24-ka bishan waxaana booliska looga fadhiyaa inay xilligaasi faahfaahin ka bixiyaan marxaladda baaritaanadooda.
Xadgudubka jinsiyadeed ee dhacay Jimcihii la soo dhaafay ayaa sababay in dowladda dhexe ay billowdo howlgal ballaaran oo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka guud ahaan wadanka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in mar kale la diiwaangeliyo wadayaasha dhugdhugleyda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in diiwaangelintan oo socon doonto laba bilood la billaabo 21-ka Maarso.
Dhanka kale taliyaha booliska ee Koonfurta ismaamulka Bungoma Benjamin Kimwele ayaa wadayaasha mootooyinka ku boorriyay inay u hoggaansamaan xeerarka laga doonayo ee dhanka gaadiidka isagoo xaqiijiyay inuu billowday howlgalka uu madaxweynuhu amray.

Hasa ahaate qaar ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda ee Bungoma ayaa dowladda ka codsaday inay siiso muddo dheeraad ah oo ay ku dhameystiri karaan waxyaabaha looga baahan yahay