DHAGEYSO:Guddi ka shaqeynaya ammaanka doorashooyinka oo laga hirgeliyay Garissa

0
360

Waxaa ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari laga hirgeliyay guddi ay xubno ka yihiin waxgarad, saraakiisha ammaanka , culimo iyo haween oo looga gol-leeyahay inuu ka shaqeeyo sidii looga hor tagi lahaa in dowlad deegaankaasi ay ka dhacaan rabshado la xiriira doorashada guud.
Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Garissa Boaz Cherutich.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in isaga iyo xubnaha kale ay iska kaashan doonin ka hor tagga iskudhacyo qabiil ku saleysan oo salka ku haya codeynta.

Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka Dubat Cali Camey , Sheekh Cabdullahi Salaat iyo Ruqiyo Maxamad Afeey oo xubno ka ah guddiga la magacaabay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.