DHAGEYSO:Wadayaasha mootooyinka oo lagu diiwaangelinayo 60 cisho

0
448

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in muddo 60 cisho gudaheeda ah mar kale la diiwaangelin doono wadayaasha mootooyinka iyo ururrada kala duwan ee ay ka tirsan yihiin.
Diiwaangelinta oo billaaban doonto 21-ka bishan ayaa laga sameynayaa 52 ah xarumaha laga bixiyo adeegyada aasaasiga ee dowladda ee loo yaqaano Huduma guud ahaan wadanka.
Marka wadaha mootada la diiwaangeliyo ka dib ayaa la siinaya kaar dijitaal oo lagu aqoonsan karo.
Xilli uu maanta magaalada Nairobi gaar ahaan xarunta shirarka caalamiga ee KICC uu kulan kula qaatay wadayaasha dhugdhugleyda ayuu wasiir Matiang’i xusay in dowladda dhexe ay soo saartay guddi gaar ah oo qaabilsan isku dubaridka howshan.
Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho waxaana xubno ka ah xoghayaha wasaaradda ICT-da Jerome Ochieng, dhigiisa wasaaradda gaadiidka Joseph Njoroge, maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee NTSA iyo dhamaan hay’adaha kale ee diiwaangelinta ee dowladda dhexe.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in ugu horreyn turxaan bixin lagu sameyn doono wadayaasha mootooyinka .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in dhammaan ganacsatadan ay sitaan leesin casri ah oo ayna xubno ka noqdaan urur dowladdu ay aqoonsan tahay.
Wasiirka ayaa wadayaasha mootooyinka ugu baaqay inay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ayna is diiwaangeliyaan maadaama madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ka cafiyay qarashaad ay horay u bixin jireen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la billaabi doono qaab toos ah oo ay wadayaasha mootooyinka dowladda ugu gudbin karaan waxyaabaha ay doonayaan inay wax ka qabato iyadoo si tartiib ah isbeddel ballaaran loogu sameynayo waaxdan.
Wasiir Matiang’i ayaa dhanka kale ciidamada booliska ku boorriyay inay dardargeliyaan baaritaannada ay wadaan la xiriira shakhsiyaadka ka dambeeyay falkii maalmo ka hor haweeney lagu dhibaateeyay si dambiilayaasha looga qaado tallaabo sharciyeed.