Xuseen Marjan oo si rasmi ah loogu magacaabay madaxa fulinta ee IEBC

0
494

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa si rasmi ah jagada madaxa fulinta ee guddigan ugu magacaabay Xuseen Marjan.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in shan qof oo Kenyaan oo codsatay jagadan islamarkaana turxaan bixin lagu sameeyay uu ku soo baxay Xuseen Marjan.
Xuseen Marjan ayaa ahaa ku simaha madaxa fulinta ee IEBC tan iyo sanadkii 2017-kii ka dib markii Ezra Chiloba oo xilkan hayay uu shaqada ka eryay guddoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati.
Dhanka kale guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay in 10 musharrax ay soo codsadeen jagada ku xigeenka xoghayaha ee guddigan oo weli bannaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddiga uu maanta iyo berri turxan bixin doono shakhsiyaadkan.