Wasiirka waxbarashada oo sheegay in laba toddobaad gudahood lagu gabagabeyn doono saxidda warqadaha KCPE

0
757

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay imtixaannada qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da oo billowday maalintii Isniinta ee toddobaadkan.
Sanadkan waxaa imtixaanka sameeyay arday ka badan 1.2 milyan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhanka kale sheegay in saxidda warqadaha imtixaanka KCPE-da ay suurtagal tahay in lagu soo gabagabeeyo muddo laba toddobaad.
Prof. George Magoha oo arrintan shaaca ka qaaday xilli maanta uu ku sugnaa deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in saxidda imtixaanka la billabaay maalinkii ugu horreysay oo ay ardayda imtixaanka u fadhiisteen.
Waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo sanadkii 2017-kii uu golaha imtixaanada qaran ee KNEC adeegsanayay qalab elektaroonik oo lagu ogaanayo jawaabaha saxda ee su’aallaha, halka warqadaha imtixaanka ee lagu qiimeynayo heerka hal abuurka ardayda ee loo yaqaano Composition iyo Insha ay saxayaan macallimiin qaab qandaraas ah ku shaqeeya.