SAWIRRO:Golaha KNEC oo billaabay inuu saxo imtixaanka KCPE-da

0
693

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in la billaabay saxidda warqadaha imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Magoha ayaa arrintan shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa xarunta lagu keydiyo imtixaanka ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo abaare 11-ka barqanimo ee maanta ay ardayda soo gabagabeynayaan imtixaanka KCPE-da oo soo billowday Isniintii.
Waxaa uu wasiirka tacliinta ee dalka xusay in saxidda imtixaanka lagu soo dhameystiri doono muddadii ay qaadatay sanadkii hore ama ka yar.
Magoha ayaa tilmaamay inay suurtagal tahay in howshan muddo kooban gudaheeda lagu soo gabagabeeyo.