Dowladda Ruushka ayaa sheegaysa inay diyaar u tahay inay furto marin ay ka gudbi karaan dadka laga soo daadgureynayo magaalada Kyiv iyo deegaannada kale ee dalka Ukraine.
Sarkaal ka tirsan dowladda Ukraine ayaa laga soo xigtay in aan mar kale lagu guulaysan daadgureynta shacabka magaalada Mariupol ee koonfurta bari ee Ukraine .
Waxaa uu arrintan u sababeeyay in dowladda Ruushka ay duqeysay marin la furay.
Guddiga Midowga Yurub waxaa uu ku dhawaaqay qorsho sanadkan gudhiisa saddex meelood labo meel lagu dhimayo shidaalka uu Ruushku dibadda u dhoofiyo.
Ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu mamnuucay in halkaasi loo iibgeeyo shidaalka xukuumadda Moscow iyo badeecooyinka kale ee tamarta ayay boqortooyada Ingiriiska sheegtay inay badeecooyinka tamarta ee Ruushka meesha ka saari doonto dhammaadka sanadkan.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqay in waddamada reer galbeedka ay tallaabo dheeraad ah ka qaadaan xukuumadda Moscow.