Qaybo ka mid ah Nairobi oo aan biyo laga heli doonin 48 saacadood

0
438

Shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee magaala madaxda wadanka ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah ismaamulka Nairobi aan muddo 48 saacadood gudaheeda laga heli doonin adeegga biyaha.
Caqabaddan ayaa sidoo kale saameyn doonto deegaano u dhow Nairobi.
Agaasimaha guud ee shirkadda , Nahason M. Muguna ayaa arrintan u aaneeyay cillaad ku timid marinka biyaha ee Mwagu oo ku yaalla hareeraha webiga Chania ilaa iyo xarunta biyaha lagu sifeeyo ee Ngethu .
Tani ayaa sababaysa in gebi ahaanba la xiro xarunta Ngethu ee ku taalla ismaamulka Kiambu oo boqolkiiba 85 biyaha u qaybisa dowlad deegaanka Nairobi.
Biya la’aanta ayaa jiri doonto inta u dhexeysa 6-da subaxnimo ee maalinka berri oo khamiis ah ilaa iyo 6-da maqribnimo ee Jimcada.
Meelaha ay dhibaatadan saameyn doonto waxaa ka mid ah bartamaha magaalada , xarunta ugu wayn ee jaamacadda Nairobi , warshadda Coca-Cola Factory, garoonka diyaaradaha ee JKIA , xarunta EPZ ee degmada Athi River, xaafadaha South B, South C, guud ahaan Industrial Area , Upperhill, xaafadaha u dhow waddada Juja Road, Mulango kubwa, Mathare, saldhigga ciidamada hawada ee Eastleigh Airforce Base, Huruma,Kariobangi, Pangani iyo xaafadda Islii.
Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in biya la’aanta ay saameyn doonto Maringo, Bahati, Buruburu, Baba dogo, Dandora, Dandora KCC factory, Umoja 1 iyo 2, Donholm, Fedha, Tassia, Avenue park iyo Nyayo,Ruai, Kayole, Komarock estate iyo Njiru .
Dhanka waddada Thika Road waxay maalmaha Khamiista iyo Jimcada ee toddobaadkan biyo la’aan ka jiri doontaa Kenya Breweries, Kenyatta University, Kahawa Barracks, Kasarani, Mwiki, Kahawa Sukari, Garden Estate iyo Thome Estate.
Shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in aysan biyo heli doonin dadka ku nool agagaarka waddooyinka Limuru Road, Langata, Kikuyu ,James Gichuru, Waiyaki Way, Riverside, Westlands, Lavington, Kilimani iyo Kileleshwa.