Waxaa jiro warar sheegaya in taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai uu shaaciyay in gacanta lagu dhigay 229 ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda oo lala xiriirinayo xadgudub ka dhan ah haweeney baabuur wadday.
Mutyambai ayaa intaasi ku daray in sidoo kale la qabtay 913 oo mootooyin ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinayaa tacaddi lagula kacay haweeney darawalad ah ka dib shil dhacay.
Kenyaanka iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa si wayn baraha bulshada uga falceliyay muuqaalka laga duubay haweeneyda lagu xadgudbay waxayna dalbadeen in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo falkaasi ku lug lahayd.