Kenya ayaa ka mid ah waddamada caalamka ee maanta looga dabbaaldegayo maalinka haweenka adduunka.
Xuska maalinkan ayaa sannad kasta la qabtaa 8-da bisha saddexaad ee Maarso.
Waxaa xuska maalinkan lagu xoojiyaa dadaalada lagu taageero u ololeynta xuquuqda dumarka iyo in la helo sinnaan dhanka jinsiyadda ah.
Hal ku dhigga xuska maalinka haweenka adduunka ee sanadkan ayaa ah sinnaanta jinsiga maanta si loo helo mid berrito waarta.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo marwada koowaad ee wadanka Margaret Kenyattaa ayaa maanta kenyaanka ku hoggaaminaya xuskan maalinkan.
Waxaa dabbaldegga sanadkan ee maalinka haweenka lagu qabanayaa dugsiga dowladda ee KSG ee magaalada Nairobi.
Marwada koowaad ee dalka Rwanda, Mrs Jeanette Kagame ayaa ah martida sare ee lagu casuumay dabbaaldeggan.
Waxaa ay sidoo kale maanta goobjoog u ahayd furitaanka machadka Jinsiyadda iyo horumarinta ee Margaret Kenyatta oo ku yaalla xarunta dugsiga dowladda ee KSG.
Madaxweynaha dalka oo xaruntan xarigga ka jaray ayaa dhanka kale lagu wadaa inuu abaal marin jinsiyadeed guddoonsiiyo hal-doorrada sanadka ee kaalinta ka qaata horumarka bulshada.
Wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah ayaa tan iyo bishii hore booqanaysay guryo ay degan yihiin dad hal door ah islamarkaana ay da’adooda ka wayn tahay 70 sano, si loogu abaalmariyo wax qabadkooda baaxadda leh ee ay ku leeyihiin siyaasadda, bulshada ama dhaqaalaha Kenya.
Abaalmarinnadan ayaa qayb ka ah munaasabadda lagu xusayo maalinta haweenka adduunka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu hormuud u ahaa xeerar lagu xoojinayo sinnaanta jinsiyadeed iyo awood siinta haweenka.