Dowladda isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda kasii dareysa ee Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ee ka dhalatay rabshadihii dhacay iyo awooda loo sheeganayo shacabka.
Imaaraadka ayaa dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta ugu baaqay inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara khalalaaso siyaasadeed oo dhaca, islamarkaana ilaaliyaan rajada shacabka, ayna dhinacyada muujiyaan tanaasul.
“Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda kasii daraysa ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa ay Ugu dambeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ugu yeertay magaca ahaan dawlad kumeel gaar ah.
Imaaraatka ayaa ka mid ah dalalka la sheego inay faragalinta ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.