Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlaayay qorshaha dowladda is hor istaaga ugu sameeysay banaanbixii Musharaxiinta ayaa waxaa uu sheegay in uu ahaa mid la isku dayay in lagu dilo xubno ka tirsan Musharaxiinta.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay weerar uu sheegay in lagu qaaday huteelka Maa’id oo ay deganaayeen Xasan Sheekh, Shariif Sh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh, islamarkaana la doonayay in la dilo, waa sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in rasaastii shalay lagu furay banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta la damacsanaa in lagu dhuftay dadkaas dhigayay banaanbaxa oo ay ugu horreeyeen C/raxmaan C/Shakuur iyo RW hore Kheyre.
Isaga oo sii hadlaayay Daahir Geelle ayuu tilmaamay dal aan mudaharaad ka dhici karin aan doorasho lagu qaban karin, wuxuuna Carabka ku dhuftay in ilaa banaanbaxyada ay damacsan yihiin Musharaxiinta meel ka maraan aysan dalka ka dhici doonin doorasho.
“Meel aan lagu mudaharaadi karin la iskuma dooran karo, Ilaa mudaharaadyada aan damacsanahay meel ka maraan, waa in la xaqiiqsado in wax doorasho aysan jirin oo ka dhici doona dalka, haddii aan mudaharaad nabad ah ka dhicin” ayuu yiri Daahir Geelle
Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan banaanbaxyo ka dhici doona Magaalada Muqdisho, xili shalay dowladda Federaalka ay is hor istaag ku sameeysay banaanbax ay soo abaabuleen Musharaxiinta oo ka dhici lahaa Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere.