Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa Mr. Boaz Cherutich ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafadda Towfiiq ee magaalada Garissa lagu soo helay saddex qori oo sharci darro ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sidoo kale la soo qabtay labo eedeysanayaal oo arrintan lala xiriirinayo.
Hubka ay ciidamadu gacanta ku dhigeen waxaa ka mid ah 98 xirmo oo rasaas ah.
Mr. Boaz ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah.
Sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu sheegay inuu weli shaqeynayo cafis ay dowladdu u fidisay cid kasta oo haysata hub sharci darro ah si ay u soo wareejiso.
Ugu dambeyn waxaa uu u mahadceliyay ciidamadii ku guulaystay inay qoryaha sharci darrada ah soo qabtaan isagoo dadweynaha ku boorriyay inay booliska kala shaqeeyaan ka hor tagga falalka wax u dhimi karo xasiloonida guud.