Dowladda dhexe oo maanta cunno u qaybin doonto shacabka Bura

0
460

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa la filayaa inuu maanta gaaro degmada Bura ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu halkaasi ku daahfuri doonaa qaybinta cunno ay dowladda dhexe ugu talagashay dadka ay abaarta saameysay.
Cyrus Oguna oo uu qorshuhu yahay in barnaamijkan mid la mid ah uu berri ka fuliyo ismaamulka Kitui ayaa faahfaahin ka bixin doonaa falcelinta dowladda ee ka dhanka ah abaarta ku dhufatay 23 ka mid ah ismaamullada wadanka.