Golaha guud ee QM oo dalbaday in Ruushka uu joojiyo duullaanka Ukraine

0
331

Golaha guud ee qaramada midoobay ee UNGA ayaa cambaareeyay howlgallada militari ee ay dowladda Ruushka ka waddo gudaha Ukraine.
Xubnaha golahan ayaa xukuumadda Moscow ka dalbaday inay si degdeg ah u soo afjarto duullaanka soo billowday Khamiistii hore.
Waxaa arrintan codkooda ku taageeray 141 xubnood oo ka mid ah golaha guud ee qaramada midoobay halka 5 ay ka soo horjeesteen iyadoo 35 xubnood ay ka aamuseen.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay sida aqlabiyadda leh ee uu goluhu uga soo horjeestay Ruushka.
Codeynta ayuu ku tilmaamay mid ka turjumeysa midnimada dunida.
Biden ayaa Ruushka ku eedeyay inuu waddan madax bannaan oo daris la ah ku qaaday duullaan laga naxay sidaas awgeedna cambaareynta golaha UNGA ay caddeynayso midnimo caalami oo aan horay loo arag.