Madaxa xisbiga Ford-Kenya ahna senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u jeediyay digniin ah inuu aad uga fiirsado taageerada siyaasadeed ee hoggaamiyaha ODM Raila Odinga.
Waxaa uu u sheegay inaynan sharaf u ahayn inuu u kala eexdo musharraxiinta doonaya inay hoggaanka wadanka kala wareegaan.
Mr.Wetangula ayaa ku doodaya in taageerada cad ee uu Uhuru u muujinayo Raila iyo garabka siyaasadeed ee Azimio ay sumcad xumo ku noqonayso xafiiska madaxweynaha iyo mansabka uu bulshada ku dhex leeyahay.
Hoggaamiyaha Ford-Kenya ayaa hadalkan jeediyay xilli uu magaalada Limuru ee ismaamulka Kiambu uu uga qayb galay aaska hooyada barasaabkii hore ee dowlad deegaankaasi Ferdinand Waititu.
Senatarka ismaamulka Tharaka Nithi Prof.Kithure Kindiki ayaa dhankiisa madaxweynaha ka codsaday inuu si sharaf leh uga fariisto siyaasadda isagoo ku dayanaya hoggaamiyihii ka horreeyay Mwai Kibaki .
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Kiharu Ndindi Nyoro ayaa isna xusay in siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ay qadarinayaan madaxweynaha dalka balse aynan diyaar u ahayn inay raacaan jahada siyaasadeed ee uu hayo.
Waxaa uu madaxweynaha ka codsaday inuu shacabka fursad buuxda u siiyo inay hoggaanka wadanka u doortaan musharraxa ay ku kalsoon yihiin waxqabadkiisa.