Wasiirka waxbarashada dalka oo beeniyay in dib loo dhigayo imtixaannada qaran

0
1141

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro qorsho dib loogu dhigaya imtixaannada qaran ee shahaaddiga oo billaabanaya bishan saddexaad gudaheeda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba wax isbeddel ah lagu sameyn jadwalka imtixaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in amni darrada ka jirto qaybo ka mid ah wadanka sida gobolka Rift Valley awgeed dib loo dhigi karo sameynta imtixaannada .
Wasiir Magoha ayaa xusay in ardayda ku sugan deegaannada uunan ammaankoodu sugnayn loo wareejinaya goobo nabad ah si ay imtixaanka halkaasi ugu sameeyaan.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda ay gacanta ku hayso xaaladda amni ee wadanka sidaas awgeedna maalmaha nagu soo aaddan si weyn loo adkeyn doono ammaanka meelaha ay xasilooni darrada ka jirto.
Waxaa imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da sanadka u fariisan doono arday dhan 1.2 milyan halka midka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay sameynayaan 831,026 oo arday ah.