5 qof oo loo xiray xoolo laga dhacay Naivasha

0
314

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay 5 qof oo lala xiriirinayo dhaca xoolaha.
Galinkii dambe ee shalay ayaa la qabtay shakhsiyaadkan xilli ay xoolo la soo xaday ka gudbinayeen waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Naivasha-Longonot.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoolaha dib loo soo celiyay qiimahoodu uu yahay in ka badan 2.5 milyan oo shilin.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegay Nancy Njeri, Philip Karuga, John Mwaura, James Githinji, iyo Peter Cecilia oo ay da’doodu u dhexeyso 40 ilaa 55 sano.
Waxaa tuhmanayaasha la qabtay iyagoo xoolaha ku wado mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo ku soo wajahnaa magaalada Nairobi.
Xoolahan oo ah ido ayaa labo toddobaad ka hor laga dhacay aagga Mirera ee Longonot waxaana la filaya in eedeysanayaasha maanta dacwad lagu soo oogo.