Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku celceliyay sida ay uga go’an tahay in doorashada soo socota ee bisha siddeedaad ee sanadkan ay u dhacdo si nabad ah, isaga oo doonaya inuu hoggaanka ugu sarreeya wadanka kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta.
William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Omaha ee gobolka Nebraska ee dalka Mareykanka waxaana halkaasi ku qaabilay duuqa gobolkaasi Pete Ricketts.
Madaxa isgaarsiinta ololaha madaxweyne ku xigeenka dalka Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in William Ruto uu u soo jeediyay duqa gobolka Nebraska inuu xiriir la sameeyo ganacsatada beeraleyda ee Kenya si ay u daboolaan baahida gobolkaasi ee kafeega iyo shaaha.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo qaar ka mid ah xulafada isbeheysiga Kenya Kwanza ee ku wehlinaya socdaalkiisa uu ku marayo waddamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa jaamacadda Nebraska ku yeeshay dood ku saabsan hal-abuurnimada, joogtada ah iyo sugnaanta cuntada.
Magaalada Washington, waxaa lagu wadaa in madaxweyne ku xigeenka dalka uu kula kulmo saraakiil ka tirsan waaxyaha arrimaha dibadda, waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon iyo la taliyaha amniga qaranka ee dowladda wadankaasi.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehliso marwada labaad ee dalka Racheal Ruto, hoggamiyaha xisbiga ANC oo ay ku mideysan yihiin isbeheysiga Kenya Kwanza Musalia Mudavadi, barasaabka ismaamulka Turkana Josphat Nanok dhigiisa dowlad deegaanka Kwale Salim Mvurya iyo xubno kale oo sar sare oo ka tirsan xisbiga UDA ayaa shalay gaaray magaala madaxda dalka Mareykanka ee Washington.
Waxaa safarkooda qayb ka ah in 10 cisho ay socdaal ku maraan Maraykanka iyo Ingiriiska.