Shiinaha oo dib u dhigay daadgureynta muwaadiniintiisa Ukraine

0
581

Dowladaha Shiinaha ayaa dib u dhigtay qorsho ay ku doonaysay inay gudaha wadanka Ukraine ka saarto muwaadiniinteeda halkaasi ku xanniban.
Safiirka Shiinaha ku matalo Ukraine Fan Xianrong ayaa farriin muuqaal ah ku sheegay in xaaladda hadda taagan aynan saamaxayn in shacabkooda ay wadankaasi ka daadgureyaan.
Waxaa uu sidoo kale beeniyay warar sheegayay inuu iskaga baxay magaalada Kyiv isagoo ilaalinta badqabkooda ku xaqiijiyay saraakiisha Shiinaha ee halkaasi ku sugan.