DHAGEYSO:8 qof oo lagu dilay xadka Elgeyo Marakwet iyo Baringo

0
395

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada siddeed qof ka dib weerar galinkii dambe ee shalay ka dhacay xadka ay wadagaan ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Marakwet iyo Baringo.
Waxaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay isku duwaha ammaanka ee dowladda dhexe ku matalo gobolka Rift Valley Macallin Maxamad.
Mas’uulkan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid u dhexeyay xoolo dhaqato iyadoo lagu dhaawacay saddex qof oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iskudhaca uu ka billowday weerar ay soo qaadday koox doonaysay inay xoolo dhacdo taasoo dhinaca kalena ay ka falceliyeen maadaama iyagana ay hubeysnaayeen.
Macallin Maxamad ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aynan caddeyn tirada xoolaha ee la dhacay balse khasaraaha weerarka uu soo gaaray labada dhinac.
Maamullada isbitaallada ayuu ka codsaday inay soo sheegaan shakhsiyaadka dhaawaca ee doonaya in la daweeyo maadaama ay burcadda qaar baxsadeen iyagoo dhaawac ah.