DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo ka digay in la gubo cowska ka baxay meelaha qaar

0
394

Guddoomiyaha golaha suuq geynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa dadka xoolo dhaqatada ah uga digay inay dab qabadsiiyaan cowska ka baxay meelaha ay roobabku ka da’een isagoo ku boorriyay inay keydsadaan si uu dib uga anfaco.
Dubat oo xoolo dhaqatada ugu baaqay inay si nabad ah ku wada noolaadaan gaar ahaan dhul-daaqsimeedka lagu soo hayaamay ayaa ku taliyay in la is kaga gargaaro saameynta abaarta.
Waxaa uu dhanka kale dowladda ismaamulka Garissa iyo midda dhexe u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dhibaatooyin dhinaca biyaha ah oo ka jiro deegaanka Lagdera.