Xoghayaha difaaca ee dowladda Britain Ben Wallace ayaa sheegay in dullaanka Ukraine ay Ruushka kaga dhinteen 450 askari.
Ben Wallace oo la hadlay warbaahinta Sky News ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu damacsan yahay inuu la wareego guud ahaan dalka Ukraine hasa ahaatee duullaankiisi ugu horreeyay ee shalay uu Ruushku ku guuldareystay inuu qabsado Ukraine.
Waxaa uu intaasi ku daray in xukuumadda Moscow ay awoodi waysay in ay gacanta ku dhigto garoon diyaaradeed oo muhiim ah oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Kyiv ee Ukraine.
Xoghayaha ayaa xusay in qiimeyn ay saaka sameeyeen ay uga soo baxday in xukuumadda Moscow aynan fulin ujeedooyinkii waawaynaa ee ay lahayd.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa Ukraine siisay hub ay isku difaacdo maalmo ka hor inta uusan Ruushka weerarin dalkaasi.