Barasaabka Wajeer oo racfaan ka qaadanaya go’aan ka farxiyay mas’uulkii ka horeeyay

0
763

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamadda Meru.
Go’aankaasi ayay maxkamaddu ku sheegtay in barasaabkii hore ee Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud si aan nidaam ahayn xilka looga qaaday.
Hasa ahaate ku xigeenkiisi hore oo hadda dowlad deegaankaasi hoggaamiyo ayaa xusay inaynan ku qancin go’aanka maxkamadda oo ay gudbinayaan dacwad racfaan ah oo ay uga soo horjeedaan in Maxamad Cabdi xafiiska dib loogu soo celiyo.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Maxamad Cabdi Maxamuud uu si wadanaya xilka guddoomiyaha ismaamulka Wajeer halka uu ku xigeen u sii ahaanayo Axmad Cali Mukhtaar.