Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in la xiro maamule dugsi ka dib weerarkii Elgeyo Marakwet

0
662

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo mid ka mid ah maamulayaasha dugsiyada ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Tani ayaa timid ka dib markii abaare 10:30 ee xalay kooxo burcad ah ay weerar ku qaadeen saddex baabuur oo kuwa dugsiyada ah xilli ay marayeen waddada xiriirisa degmooyinka Arror iyo Tot.
Ardayda ay burcaddu weerartay ayaa dhigta dugsiga sare ee Tot waxayna xilligaasi la soo laabteen socdaal gaaban.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda ay rasaas ku furtay basaska halkaasoo hal qof uu ku dhintay iyadoo ay dhaawacmeen 15 isugu jiro 13 arday iyo labo macallin.
8 ka mid ah dhaawaca ayaa la daweeyay oo isbitaalka laga saaray.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ku sheegtay in qofka dhintay uu yahay mid ka mid ah wadayaasha gawaarida la weeraray.
Hal arday ayaa dhaawiciisa lagu daweynaya xarunta caafimaad ee Chesongoch halka 6 kale oo isugu jiro labo macallin iyo afar arday loo wareejiyay isbitaalka wayn ee Moi.
Wasiir Matiang’i ayaa maamulaha ku eedeyay inuu gabay waajibaadkiisa shaqo maadaama uu oggolaaday in baabuurka dugsiga uu shaqeeyo ka dib wakhtiga sharciyeysan oo ah in basaska dugsiyada aynan howlgeli karin wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo.
Go’aanka uu qaatay wasiirka ayaa yimid ka dib markii saraakiisha ammaanka lagu dhaliilay inaynan wax ka qaban xaaladda amni darro ee ka jirta aagga Kerio Valley.
Senatarka ismaamulka Elegeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka waxaa uu dhaliil ugu jeediyay wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Hillary Mutyambai oo uu sheegay inaynan ka soo bixin ballanqaadyo dhanka amniga oo ay horay u sameeyeen.
Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in toddobaadka soo socdo kooxaha burcadda ee Pokot loo aqoonsan doono kuwo la mamnuucay.
Waxaa uu hoggaamiyaasha siyaasadeed ee waqooyiga Rift Valley ugu baaqay inay dowladda dhexe kala shaqeeyaan xal u helidda dhibaatooyinka dhanka amniga.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa shacabka ismaamulkaasi u xaqiijiyay in ammaanka si wayn loo adkeeyay.