DHAGEYSO:Xoghayaha arrimaha gudaha oo billaabay inuu u ololeeyo Raila

0
650

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ka billaabay olole uu ku doonayo in bisha siddeedaad ee sanadkan hoggaanka wadanka loo doorto madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in dadweynaha lagu wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay inay hoggaanka u dhiibaan musharrax sida uu hadalka u dhigay ay ku wayn tahay danta qaranka.

Kibicho ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowladda dhexe oo uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto horay ugu eedeyay inay ka soo horjeedaan musharraxnimadiisa in kastoo uu taasi beeniyay.