Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa maanta ololahooda siyaasadeed u bandhigay dadweynaha ku nool dowlad deegaanka Kirinyaga ee bartamaha wadanka.
Ruto iyo xulafadiisa ayaa isku soo baxyo kala duwan ku qabtay degmooyinka Sagana, Kibingoti iyo Kianjanga ee deegaanka Ndia.
Madaxdan ayaa dadweynaha ka codsaday inay taageero u muujiyaan 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan oo lagu wado in Kenya ay ka dhacdo doorashada guud.
Waxay adeegsanayaan xeeladda siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo si gaar ah loo garab istaagaya dhallinyarada shaqo la’aanta ah , ganacsatada yaryar iyo danyarta.
Ruto, Musalia iyo Wetangula ayaa ballanqaadaya in hadii mid ka mid ah uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka ay wax ka beddeli doonaan dhaqaalaha Kenya oo saameyn wayn uu ku yeeshay cudurka COVID-19.
William Ruto, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula oo la hadlayay shacabka degmada Sagana ee Kirinyaga ayaa yiri