Israa’iil oo gantaallo la beegsatay koonfurta caasimadda Dimishiq ee Syria

0
515

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada militeriga ee Israa’iil ay hoos u rideen dhowr gantaal oo lala beegsaday goobo ku yaalla koonfurta caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Syria ee SANA.
Duqeyntan ay ciidamada Israa’iil fuliyeen ayaa waxaa ka dhashay khasaaro qalab hantiyadeed ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka Israa’iil uu weerarradaan kaga falcelinayo waxa uu ku sheegay gantaal laga soo riday Syria.
Waa markii labaad ee isla bishan uu militeriga Israa’iil duqeymo ka fuliyan dalka Syria, ka dib markii ay 9-kii bishan uu weerar ka gaystay meel u dhow magaalada Dimishiq.
Waxaana duqeyntaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Syria halka shan kale la dhaawacay.
Israa’iil ayaa boqolaal weerar ka gaysatay dalka Syria tan iyo markii uu wadankaasi ka billowday dagaalka jiray tobankii sano ee ugu dambeeyay.
Waxaana weerarradan lagu bartilmaameedsaday gudaha goobaha ay dowladda Syria maamusho.
Hasa yeeshee, waa dhif iyo naadir in Israa’iil ay si cad u sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah oo ay ka gaysto dalka Syria.