Shirkadda madaxa bannaan ee bixisa adeegyada sharciga ee dhanka caafimaadka oo loo yaqaano (IMLU) ayaa walaac ka muujisay inay korortay tirada saraakiisha booliska ee ku lugta leh falal dambiyeedyada.
Agaasimaha fulinta ee IMLU ,Peter Kiama ayaa sheegay in bilooyinkii ugu dambeeyay saraakiil badan oo boolis ah ay qayb ka noqdeen falalka dhaca ee hubka loo adeegsado ,baadhka iyo dilalka sharci darrada ah.
Waxaa uu Kiama xusay in tani ay ka soo horjeedo waajibaadka aasaasiga ee saraakiisha ka saaran inay ogaadaan, ka hor tagaan oo ayna baaraan falal dambiyeedyada.
Peter Kiama ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Hillary Mutyambai ugu baaqay inuu isbeddel ballaaran ku sameeyo waaxda qaran ee adeegga booliska si loo xakameeyo isku xirka dambiyada ee ka dhex jiro waaxda booliska.
Agaasimaha fulinta ee IMLU ayaa soo jeediyay in dib loo eego qaabka loo shaqaaleysiiyo, loo tababaro ama ay amarrada u qaataan saraakiisha ammaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo sharciyeed laga qaado taliyayaasha ay hoos tagaan saraakiisha qaybta ka ah falal dambiyeedyada.
Peter Kiama ayaa tusaale u soo qaatay dhacdo toddobaadkii hore lagu xiray saraakiil ka howlgalo saldhigga booliska ee deegaanka Langata ee ismaamulka Nairobi ka dib markii lagu eedeyay inay dhac gaysteen iyagoo awood adeegsanaya.
Tusaalaha kale ee uu soo qaatay madaxa shirkadda IMLU ayaa ah in askari ka howlgalo saldhigga Mea ee Meru uu faraxmeeyay gabadh 16 sano jir ah.
Waxaa kale oo la soo tabiyay in sarkaal ka shaqeeya saldhigga booliska ee Butula ee ismaamulka Busia lagu eedeeyay inuu diiwaanka dhacdooyinka ee loo yaqaano (OB) uu musqul ku tuuray si uu caddaalad darro u sameeyo.
Shirkadda IMLU ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa 12-aad ee sanadkii hore ay diiwaangelisay kiisas gaaraya 210 oo isugu jiro dilalka sharci darrada, dadka la waayay , jirdilka iyo ciqaabka arxaan darrada ,dulleynta baniaadannimadana ka baxsan.
Peter Kiama, agaasimaha fulinta ee IMLU ayaa sheegay in 182 ka mid ah kiisaskan una dhiganta boqolkiiba 86.6 inay yihiin xadgudubyo loo tiiriyay ciidamada booliska ee dalka.