Shacabka Switzerland oo u codeynaya afti ka dhan ah tubaakada

0
337

Dadweynaha ku nool wadanka Switzerland ayaa maanta ka qayb qaadanaya isbeddel dastuuri ah oo gebi ahaanba lagu mamnuucayo xayaysiinta badeecadaha tubaakada.
Sidoo kale waxay codkooda ka dhiiban doonaan soo jeedin lagu mamnuucay baaritaannada lagu sameeyo xoolaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in codeynta aftida ah ee dalkaasi ay billaban doonto abaare 10-ka barqanimo ee saacadda Switzerland.
Dowladda Switzerland ayaa waddamada hodanka ah uga dambeysa dhanka xayiraadda xayaysiinta tubaakada.
Tani ayaa loo aaneeyay olole xooggan oo ay arrintan uga soo horjeesteen shirkadaha waawayn ee tubaakada ee halkaasi ku leh xarumahooda dhexe.