Booliska oo faahfaahiyay dagaalkii Dhuusamareeb ee u dhexeyay ciidamo kala taabacsan CC Shakuur iyo siyaasi kale

0
397

Ka dib dagaal la sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Siyaasiga Cabsiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Kulane oo ka mid ah Saraakiisha oo labaduba u sharraxan kuraas Xildhibaan ayaa waxaa ka hadlay Booliska Magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in xaaladda Magaaladaasi ay tahay mid deggan ka dib dagaalkii ka dhacay, islamarkaana Ciidamada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.
Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku haayay rag ka mid ah Ciidamada oo taleefoono kala qaaday, hayeeshee ma shaacin khasaaraha dhimasho & midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamadii labada dhinac ee dagaalamay ay hadda ku xiran yihiin Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana Askartii dambi lagu caddeeyo Maxkamad ay u gudbin doonaan.
Ugu dambeyn waxaa uu u digay musharrixiinta Golaha Shacabka ee Ciidamada faraha badan halkaasi la tagay, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la khalqal geliyo amniga Caasimadda Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda waxaa ku sugan musharrixiin farabadan oo Golaha Shacabka ah, waxaana mid kasta uu wataa Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana si wayn looga dareemaya Magaalada.