Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar la faafiyay oo sheegaya in dawooyinka tallaalka ee COVID-19 ee ay adeegsanayso ay yihiin kuwo dhaafay wakhtigii loogu talagalay in la isticmaalo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay la bixiyay in ka badan 3 milyan oo dawooyinkan ah.
Waxay wasaaraddu xustay in maalin kasta isku celcelis ahaan ay tallaalka corona qaataan ku dhawaad 224,000 qof halka tiradan ay sanadkii hore maalinkii ahayd 80,000.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Kenya dawooyinka tallaalka lagu siiyay in ka badan 14.2 milyan oo qof oo ay da’doodu ka sarreyso 18 sano.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha gudaha ay billaabeen inay iska kaashadaan sare u qaadidda bixinta tallaalka .
Guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ayaa laga dalbaday inay wacyigelin u sameeyaan bulshada si ay u qaataan tallaalka.