Waxaa lagu soo warramayaa in meydadka 12 qof oo tahriibayaal ah laga helay xadka u dhexeya waddamada Turkiga iyo Giriigga.
Arrintan ayaa lagu xaqiijiyay qoraal uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu soo dhigay barta Twitter-ka.
Meydadka ayaa lagu arkay agagaarka waddada ee meel u dhow magaalada Ipsala oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Turkiga oo xigta dhanka xadka Giriigga.
Soylu ayaa intaasi ku daray in la rumeysan yahay in dadkan ay ka mid yihiin 22 qof oo laga soo celiyay soodhinta dalka Giriigga.
Wasiirka ayaa ciidamada ilaaliya xuduudda wadanka dariska la ah ku eedeyay arxaan darro.
Waxaa uu intaasi ku daray in Midowga Yurub uu u muuqdo mid aan awood lahayn sidoo kalena baniaaddannimada tixgelin.
Wasiirka socdaalka ee Giriigga Notis Mitarachi ayaa geerida tahriibayaasha ku tilmaamay nasiib darro.