Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay in la xiro maxaabiista maskaxda ka xanuunsan

0
491

Maxkamadda dalka ayaa soo saartay amar ay ku nafisayaan maxaabiista ka xanuunsan dhanka dhimirka ka dib markii ay ku dhawaaqday inay sharci darro tahay in shakhsiyaadkan la xiro.
Garsooraha maxkamadda sare Anthony Mrima ayaa xusay in la buriyay saddex qaybood oo ka mid ah xeerka habka ciqaabta.
Shuruucdan ayaa oggolaanayay in maxaabiista maskaxda ka xanuunsan xabsiga lagu hayo marka dacwad lagu soo oogo ka dib oo aan weli dembiga lagu xukumin.
Garsooruhu waxaa uu sheegay in qaybahaas ama sharci kasta oo kale oo dhigaya in la xiro dadka qabo xaaladaha dhimirka ay khatar ku yihiin mabaadi’ida kala qaybinta awoodaha iyo madax bannaanida waaxda garsoorka.
Waxaa kale oo sharci darro lagu tilmaamay xarigga maxaabiista lagu helo dambi laakiin dhimirka ka xanuunsan oo ay maxkamadaha dacwad ku soo oogayaan islamarkaana xabsiga joogaya iyadoo madaxweynaha raali ka yahay.
Qabashada dembiilaha oo uu madaxweynuhu raali ka yahay waxay ka dhigan tahay in xabsiga lagu hayo muddo aan la cayimin ,waxay noqon kartaa mid aad u gaaban ama waxay noqon kartaa xabsi daa’in.
Marka ay maxkamaddu ku xukunto dembiilaha muddadaas oo kale, mustaqbalka maxbuusku wuxuu ku harayaa gacanta xafiiska madaxweynaha.