DHAGEYSO:Dhallinyarada oo loogu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha ee Soomaaliya

0
743

Guddiga Gurmadka abaaraha ee dalka Soomaaliya ayaa kulan wacyigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada gobolka Banaadir.
Waxaa uu guddiga dhallinyarada kulanka kasoo qayb gashay ugu baaqay inay kaalin ka qaataan gurmadka abaaraha.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah guddiga abaaraha islamarkaana uu hoggaaminaya wasiirka wasaaradda owqaafta iyo diinta Cumar Cali Rooble iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulankan ka qayb gashay.
Mareeyanaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Sooomaliya ee xarunta howlgallada degdeg ah ee qaranka Cabdifataax Cabdinuur ayaa marka hore ka warbixiyay sida ay abaartu u saameysay gobollada dalka Soomaaliya.

Wasiirka ku xigeennada wasaaradaha tamarta, biyaha iyo beeraha ayaa dhallinyarada ka codsaday inay qayb ka noqdaan gurmadka loo sameynaya dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha Soomaaliya ahna wasiirka wasaaradda owqaafta iyo diinta Cumar Cali Rooble ayaa sheegay inay dhallinayarada laga doonaya inay qayb ka noqdaan gurmadka loo sameynaya dadka abaartu saameysay ee gobollada wadanka Soomaaliya 5.3 milyan ayay saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah wadanka

Soomaaliya.