Hoggaamiyaasha xisbiyada ANC, KANU, Wiper iyo Ford-Kenya ee kala ah Musalia Mudavadi , Gideon Moi , Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa sheegay in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan.
Waxay carrabaabeen in ay soo dhisi doonaan isbeheysi siyaasadeed oo awood leh ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Siyaasiyiintan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay doonayaan in loolanka siyaasadeed ee ku aaddan madaxtinimada dalka ee sanadka dambe uunan noqon mid keliya u dhexeya William Ruto iyo Raila Odinga.
Arrimahan ayay ka hadleen xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kabuchai ee galbeedka dalka.
Waxaa lagu wadaa in ay maanta tagaan deegaan baarlamaneedka Matungu si ay ugu ololeeyaan Peter Oscar Nabulindo oo ka tirsan xisbiga ANC oo doonaya inuu ka qayb galo doorashada ku celiska ee la qorsheeyay 4-ta bisha saddexaad ee sanadkan.
Toddobaadka dambe Musalia Mudavadi, Gideon Moi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa lagu wadaa in ay tagaan ismaamulka Machakos si ay shacabka ugu qanciyaan in xilka senatarnimo bannaanaaday ka dib geeridii Boniface Kabaka ay u doortaan Agnes Kavindu oo ah musharaxa xisbiga Wiper.