Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxayna garrrn heshiis la xiriira doorashooyinka Soomaaliya ee lagau Muransanaa.
Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda, waxayna soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob, oo kala ah.
In la Xaliyo Cabashada laga muujiyay Guddiga Doorashada ee ay dowladda Magacaawday, Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland ama Gobolada Waqooyi,Xaalada Gobolka Gedo oo ah caqabada koobaad ee doorashooyinka Soomaaliya Hortaagnayn, balse ay gudigu sheegeen in xal laga gaaray,Adkeynta Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka labadiisa Golle iyo ugu danbayntii Jadwalka Qabsoomida Doorashada Dalka ka dhacaysa.
Dhamaan shanta qodob ee ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & Maamul Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay u soo saaraan, iyagoo wada jira inay isku raaceen qodobada ay soo saareen guddiyada Baydhaba ku shiray.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda Dowlada Federalka,Maamul Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, inkastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.
Heshiiskaan ay Baydhabo ku gaareen guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Midowga musharixiinta ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah ay sheegeen inay ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin doorasho La’aanta Soomaaliya, kaasoo ay sheegeen in Jimcaha todobaadkaan lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere Magaalada Muqdisho.