Isbeddel lagu sameeyay Kal-fadhiyada baarlamaanka oo maanta dhaqan galaya

0
514

Waxaa maanta dhaqan galaya isbeddel uu golaha qaran ee xeer dejinta toddobaadkii hore ku sameeyay kal-fadhiyadiisa.
Isbuucii hore ayay ahayd markii baarlamaanka dalka uu dib u eegis ku sameeyay maalmaha iyo xilliyada uu yeesho kal-fadhiyada kala duwan.
Waxaa laga billaabo maanta meesha ka baxaya kulamadii xildhibaannada ay yeelan jireen galinka hore iyo galinka dambe ee maalinka Arbacada.
Maalin kasta oo Talaado ah waxaa jiri doono labo kal-fadhi laga billaabo 2-da iyo barka galabnimo ilaa iyo 6-da iyo barka maqribnimo.
Mudanayaasha ayaa qaadanaya nasasho 30 daqiiqo ah waxayna shir kale yeelanayaan 7-da fiidnimo ilaa 9-ka fiidnimo ee Talaadada.
Maalinka khamiista , kulanka ugu horreeya ayaa billaabanaya 10-ka barqanimo wuxuuna soconayaa ilaa iyo 1-da duhurnimo.
Isla khamiista waxaa jiraya kulamo u dhexeya 2.30- 6.30PM, iyo 7.00 -9.00 fiidnimo.
Tan iyo markii gudaha dalka cudurka COVID-19 laga xaqiijiyay bishii saddexaad ee sanadkii hore, golaha xeer dejinta ayaa isbeddelo dhowr ah sameynayay si loogu hogggaansamo xeerarka caafimaad ee lagula tacaalaya caabuqa corona.