Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ciidamada booliska ku boorriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah badbaadinta kenyaanka iyo hantidooda iyagoo aan u nuglaan cabsi gelin ama cid gaar ah u eexan.
Waxaa uu saraakiisha ammaanka kula taliyay in caga jugleynta siyaasadeed aysan marnaba wax saameyn ah ku yeelan shaqadooda.
Sidoo kale waxaa uu uga digay ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa iyo fulinta dano qabiil ku saleysan isagoo kula dardaarmay inay kenyaanka si siman ugu adeegaan.
Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay feejignaan muujiyaan maadaama gobolka laga dareemayo xasilooni darro la xiriirta argagixisannimada ama kacdoono bulsho.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa machadka qaran ee booliska ee Kiganjo ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa halkaasi ku qalinjabiyay 298 oo ah saraakiisha kaadeetka oo dhameystay tababar socday sagaal bilood.
Saraakiishan ayaa isugu jiro 220 rag iyo 78 haween ah .
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in intii uu hoggaanka wadanka hayay ay waaxda qaran ee adeegga booliska ku biireen 35,400 saraakiil cusub ah.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in maamulkiisa uu billaabay caymis caafimaad oo ballaaran kaasoo la doonayo inay ka faa’iidaystaan booliska, saraakiisha waaxda asluubta iyo xubnaha qoysaska ee ku tiirsan.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in booliska ay helayaan gunnooyinka ka soo baxo guryaha kirada ah.
Dhawaan ayaa la filaya in la soo bandhigo machadka qaran ee hoggaanka booliska wuxuuna madaxweynaha taliyaha guud ee booliska wadanka Hillary Mutyambai ku amray inuu ka shaqeeyo sidii xaruntan ay iskaashi ula yeelan lahayd jaamacadda qaran ee gaashaandhigga ee National Defence University of Kenya.