Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan labo qof halka tiro kale oo dhowr ahna ay dhaawacmeen ka dib qarax saameeyay wadanka Pakistan.
Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in qaraxa lala eegtay degmo laga dukaameysto oo aad u mashquul badan oo ku taalla magaalada bari ee Lahore.
Afhayeenka booliska Nayab Haider ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in afar qof oo kale ay dhaawacyo culus gaareen.
Hasa ahaate saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Mayo ee Lahore ayaa dhaawaca ku sheegaya ugu yaraan 26.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.