Waxaa lagu soo warramayaa in sagaal qof ay soo gaareen dhaawacyo culus ka dib markii baabuur ay ku safrayeen uu shil ku galay waddada Mau-Narok.
Shilka ayaa laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Cowforty.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay isku dhaceen baabuur yar oo ka soo ambabaxay Nakuru kuna wajahnaa magaalada Narok iyo gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo dhinaca kale ka yimid.
Waxaa shilka iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee ismaamulka Narok Kizito Mutoro.
Mas’uulkan ayaa sheegaya in wadaha baabuurka ah nooca Toyota uu waddada ka baxay ka hor inta uunan ku dhicin mataatuuda.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah darawaliintii labada gaari ee shilka galay waxaana hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka wayn ee Narok.
Baabuurta isku dhacay ayaa loo qaaday saldhigga booliska ee magaalada Narok si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Taliyaha booliska ee ismaamulkaasi ayaa sheegay in shilalka badankoodu ay sababaan wadayaal aan gawaarida si taxaddar leh u kaxeyn ama isticmaalo daroogo iyo waddooyinka qaar oo aan wanaagsanayn.