15 ka mid ah xubnaha argagixisada oo lagu dilay keynta Boni

0
604

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa sheegaya inay gudaha keynta Boni ee ismaamulka Lamu kaga takhaluseen 15 qof oo looga shakiyay inay ka mid yihiin dagaalyahaanada Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadkan lagu dilay howlgal laga fuliyay goob ay ku dhuumaaleysanayeen ka dib dabagal in muddo ah lagu hayay.
Howlgalka ayaa ka dhacay aagga Boodhaay waxayna wararku tilmaamayaan in tuhmanayaasha ay ka dambeeyeen qorsheynta iyo fulinta weerarradii dhawaan saameeyay dowlad deegaanka Lamu ee gobolka xeebta.
Ismaamulka Lamu ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay fala amni darro oo galaaftay nolosha 15 qof oo shacab ah.
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu gubay in ka badan 15 guri.
Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii la dagaalamayay koox loo yaqaano Jeshi la Ayman oo gacan saar la leh Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay weeraradooda ka soo abaabulaan keynta wayn ee Boni .