In ka badan 25 qof oo ku dhimatay dhul gariir saameeyay Afghanistan

0
426

Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariir ku dhuftay galbeedka wadanka Afghanistan sida laga soo xigtay maamullada dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadkan ay geeriyoodeen ka dib markii uu ku soo dhacay saqafka gurigooda , degmada Qadis ee gobolka Badghis.
Afhayeenka gobolkaasi Baz Maxamad Sarwary ayaa sidatan u sheegay warbaahinta.
Hay’adda sameyso baaritaannada dhanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhul gariirka dhacay uu cabbirkiisu yahay 5.3.
Dadka dhacdadaasi ku nafwaayay waxaa ka mid ah shan haween iyo afar carruur ah.
Waxay dhanka kale dhaawacmayo soo gaareen oo hadda la daweeynayaa ilaa afar qof oo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaankaasi uu dhul gariir kale oo lagu qiyaasay 4.9 uu saameeyay labo saacadood un ka dib markii la soo tabiyay midkii hore.
Madaxa waaxda qaabilsan ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah Mullah Janan Saeqe ayaa sheegay in ugu yaraan 700 oo guri ay burbureen.